U bood dhigaalka

Madaxweyne Laftagareen oo Guddoomiyay Shir Looga Hadlay Amniga Koonfur Galbeed

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa wuxuu shir gudoomiyey kulan looga Hadlayey amniga deegannada Koonfur Galbeed oo ay kasoo qeybgaleen wasiirka amniga iyo qeybaha kale duwan saraakisha laamaha amniga.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale diiradda lagu saaray howlgalladii ugu dambeeyay ee ciidanku ay ka fuliyeen magaalada Baydhabo, kadib qaraxii maalinimadii Jimcaha, kaas oo lagu dilay wasiirkii cadaaladda maamulka Lugagaab oo Al-shabaab ay sheegteen mas’uuliyadda qaraxa dhacay.

Ciidanka ayaa wixii ka dambeeyay qaraxa waxaa ay magaalada ka wadeen howlgallo isdajoog ah, kuwaas oo lagu xaqiijinayo amniga guud ee Baydhabo, waxaana ciidamo lagu kordhiyey wadooyinka iyo Koontaroollada laga soo galo, iyaga oo baraya waxa galaya magaalada iyo waxa ka baxaya.

Goobjoog News