U bood dhigaalka

Laftagareen oo Kulan La Qaatay Wasiirrada Gargaarka Ee Maamul Goboleedyada

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Laftagareen ayaa kulan la qaatay wasiirrada gargaarka iyo maareynta musiibooyinka dowlad goboleedyada oo maalmahaan ku shirsanaa magaalada Baydhabo ee xarunta u ah maamulka, iyagoo gabagabdii shirkooda soo saaray baaq ku socday dowladda dhexe.

Wasiirrada ayaa qoraal ay soo saareen waxaa dowladda Soomaaliya looga dalbaday in ay fasaxdo, lacag gargaar ah, taas oo ay ku deeqday dowladda Imaaraadka Carabta oo gaarayso $9.6 milyan oo dollar oo loogu talo galay wax kaqabashada abaaraha jira ee dadka iyo duunyada saameeyay oo laga cabsi qabo in ay isku badesho heer macluul ah.

Wasiirrada Gargaarka iyo Baniiaadanimada dowlad goboleedyada ayaa shir socday maalmo waxaa ay u qaateen magaalada Baydhabo, dowladda Imaaraadka Carabta ayaa kamid ah dowladaha sida weyn uga taageeraya dowladda federalka sidii wax looga qaban lahaa abaaraha ka jira dalka oo xilligaan maraya heerkii ugu adkaa cabsina laga muujinayo.

Goobjoog News