U bood dhigaalka

Madaxweyne Laftagareen oo Muqdisho Kula Kulmay Wakiillada Beesha Caalamka

Sheeko:Amniga
Madaxweynaha Dowlad goboleedka  Koonfur Galbeed  Soomaaliya  Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa xarunta madaxtooyada ku qaabilay wafdi ka socday safiirada Beesha Caalamka ufadhiya Soomaaliya oo uu Hogaaminayey wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Ambassador James Swan.
Kulanka Madaxweynaha iyo Safiirada Beesha Caalamka oo ay sido kale ka qeybgaleen Wasiiro,Agaasimaha Madaxtooyada iyo La-taliyaasha Madaxweynaha ayaa looga hadlay Xoojinta howlgalada lagu ka dhanka ah  Alshabaab ee ka socda qeybo ka mid ah deegaanno  maamulka Koonfur Galbeed uu maamulo.
Waxayaabaha sidoo kale looga hadlay kulanka ayaa waxaa kamid ah wx ka qabashada iyo u gurmashada dadka ay Abaartu Saamaysay, taas oo aad looga cabsi qabo in ay isku bedesho heer macluul ah oo ay adkaato in wax laga qabto iyo hormarinta adeegyada dowladda iyo nidaamka federalka didii loo daadajin lahaa.
Madaxweyne Laftagareen ayaa Muqdisho kaga qeyb galay shirka wadatashiga qaran, kaas oo looga hadlay laba arrimood oo kala ah howlagallada ay wadaan ciidanka iyo shacabka isabaabulay iyo siidii maamullada iyo dowladdu u garab istaagi lahaayeen iyo arrimaha abaaraha oo markale madaxdu baaq ka direen.
Goobjoog News