U bood dhigaalka

Madaxweyne Laftagareen oo Qaabilay Wafdi Ka Socday Qaramada Midoobey

Sheeko:Amniga
Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa Aqalka Madaxtooyada magaalada Baydhabo ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, oo maanta gaaray magaalada Baydhabo.
Wafdigaan  ayaa sidoo kale waxaa  qeyb ka ahaa Madaxa IOM ee Soomaaliya iyo ku xigeenka wakiilka UNHCR, wafdigaan ayaa kulan gaar ah la qaatay madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen, iyaga oo kawada hadlay arrimo dhowr ah oo ku qotoma xaaladaha guud ee maamulka ka jira.
Madaxweyne Laftagareen iyo danjire James Swan ayaa ka wada hadlay arrimo ay kamid yihiin xoojinta xminiga, Abaaraha, iyo waxka qabashada oo xilligaan ay la daalo dhacayaan dadka iyo duunyada ku dhaqan deegaannada Koonfur Galbeed iyo la dagaalanka Al-shabaab oo ku sugan deegaanno dhowr ah.
Kulanka oo ay qeyb ka ahaayeen qaar kamid ah golihiisa wasiirrada ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo maalinimadii Jimcaha qarax ka dhacay magaalada Baydhabo uu ku geeriyooday wasiirkii cadaaladda Koonfur Galbeed, kalka uu dhaawac soo gaaray dad badan oo ku badan 10 ruux oo ciidan iyo shacab ah.
Goobjoog News