U bood dhigaalka

Madaxweyne Laftagareen oo Soo Gaaray Muqdisho

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Maxamed  Xasan Laftagareen iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, iyadoo wafdiga oo si weyn loo soo dhoweeyey.

Madaxweynaha ayaa waxaa uu ku biiri doonaa  madaxda maamullada Galmudug iyo Hirshabeelle, kuwaas oo ku sugan magaalada Muqdisho, waxaana lafilayaa inta uu joogo inuu kulamo la qaato madaxda dowladda federaalka.

Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa ka socda shirar kala duwan, kuwaas oo la xiriira soo magacaabista ra’iisalwasaaraha cusub ee dalka iyo shirarka kale oo ku aadan ka hor shirka Dhuusamareeb.

Goobjoog News