U bood dhigaalka

Madaxweyne Laftagreen iyo Golihiisa Wasiirrada oo Kulmay

Sheeko:Amniga
Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa shir Gudoomiyey shirka gollaha wasiiradda dowlad goboleedka Koonfur Galbeed oo todobaadkan warbixin looga dhagaystay Wwasiiradda wasaaraddaha amniga,gargaarka,caafimaadka, waxbarashada,iyo arimaha gudaha.
Wasiirka wasaaradda amniga gudaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Maxamed Isaaq oo ka warbixiyey xaalada amniga deegaannada Koonfur Galbeed ayaa sheegey in amniga uu yahay mid wanaagsan ciidanka xooga dalka iyo kuwa gaarka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ay wadaan Howlgallo lagu sugayo amniga deegannada Koonfur Galbeed.
Wasiirka caafimaadka  Maxamed Cusmaan Xaaji Jiidow oo ay wehliyaan Howlwadeenada wasaaradda ayaa golaha wasiirada usoo bandhigay dadaallada ay ku bixinayaa gaarsiinta bulshada Adeegyada Caafimaad ee ay ubaahanyihiin wasiirada wasaaradaha arimaha gudaha,Gargaarka,Waxbarashada iyo Shaqada iyo Arimaha Bulshada ayaa sidoo kale ka warbixiyey howlaha shaqo ee Wasaaraddaha iyo Waxyaabaha uqabsoomay.
Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa golaha wasiiradda uga mahadceliyey dadaalkooda ku aadan sida ay uga goantahay sidii si cadaalad ah ay ugu adeegi lahayeen shacabka ku nool guud ahaan deegannada Koonfur Galbeed Waxaana uu gollaha wasiiradda ku bogaadiyey inay xooga saaran ugurmashada dadka ay Abaaruhu saameeyeen.
Goobjoog News