U bood dhigaalka

Madaxweyne Axmed Madoobe oo Dowladda Mareykanka Kala Hadlay Dagaalka Al-shabaab

Sheeko:Amniga
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Mudane Ahmed Mohamed Islaam ayaa kulan la qaatay Safiir ku-xigeenka Dowladda Maraykanka u fadhiya Soomaaliya ahna ku simaha Safiirka Tim Trenkle, kulanka ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah.
Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xaalada guud ee dalka gaar ahaan arimaha amniga, Siyaasada iyo go’aanka madasha wadatashiga ee awooda dib loogu celinayo shacabka Soomaaliyeed dalkuna uu ku aadayo Doorashooyin dadweyne.
Kulanka ayaa sidoo kale waxaa diiradda lagu saaray dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab iyo howlgallada dhowaan la filaayo in laga fuliyo deegannada maamulka Jubbaland, kaas oo qeyb ka ah howlgalka dalka lagaga saarayo Kooxda Al-shabaab.
Dowlad Goboleedka Jubbalad ayaa ah halka deegaannad ugu badan Al-shbaab ay kaga sugan yihiin Soomaaliya sanad kadib markii dowladdu ay bilowday howlgallada ka dhanka ah kooxda, waxaana howlgalka xiga ka qeyb galaya ciidanka dowladaha safka hore.
Goobjoog News