U bood dhigaalka

Madaxweyne Muuse Biixi oo Ka Hadlay Dagaalka Magaalada Laascaanood

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay dagaalka magaalada Laascaanood ee gobolka Sool , kaas oo dhaxeeya ciidamada Milatariga Somaliland iyo xoogagga deegaanka SSC, waxaana uu sheegay in diyaar uu yahay in xabadda la joojiyo oo xaaladda dagaalka lagu dhameeyo wadahadal sida uu sheegay xilli uu hadlayay.

Dagaalka ka socda magaalada Laascaanood oo galay laba bilood ayuu sheegay Muuse Biixi in marweliba aysan diyaar u aheyn dagaal sida uu hadalka u dhigay laakiin lasoo weeraray oo ay isdifaac ku jiraan, waxaana intaas ku daray in ay diyaar u yihiin wado kasta oo lagu joojinayo dagaalka u dhaxeeya labada dhina oo khasaare sababay.

“Aniga iyo shacabka reer Somaliland waxay ka midaysan yihiin in arrinta Laascaanood xabbadda la joojiyo, nabadna lagu dhammeeyo, mar walbana taas baannu u taagannahay, dawladda Somaliland iyo ciidankeeduna weerar lasoo weerarayo inay iska difaacaan mooyaane, marnaba dagaalkaas may gelin, diyaarna uma aha inay dad islaam ah oo Somaliland oo dadkoodii ah ay weeraraan” ayuu yiri madaxweynaha isaga oo ka hadlayay.

Madaxweynaha  Somaliland Muuse Biixioo hadalkiisa siiwatada ayaa yiri” “Maaddaama dadka reer Somaliland nabad u diyaar yihiin, anna aan odayga ugu ahay nabaddii diyaar baannu u nahaye ciddii dhinaca kale ah caawa nabadda xidhi karaysa ee xabbadda dhankooda joojin karaysa anagu xabbad ma wadnee diyaar baannu u nahay”

Khubaddiisa ayaa waxaa sidoo kale uu kaga hadlay wadahadalka Soomaaliya iyo Somaliland u dhaexeeyay iyo halka uu maro, “Somaliland iyo Soomaaliya waxa ay isku hayaan xuduudaha labada dal iyo inay laba dawladood oo mar si walaaltinimo ah isugu yimi ahaayeen, dawladdiina ka duntay oo qayb waliba iskeed wax u dhisatay, Dastuurkeennu isku mid aha, 33-sannaynu kala maqnayn, markaa dadka reer Somaliland xadka dhawr iyo kontonka dawladood ee Afrika ku dhisan yihiin uun bay Somaliland kamid tahay” ayuu yiri gabagadii hadalka.

Hadalka kasoo baxay madaxweynaha Somaliland ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli muddo laba bil ah dagaal ay isaga soo horjeedaan ciidanka Milatariga Somaliland iyo xoogagga deegaanka ee SSC, kaas oo geystay khasaare kale duwan oo soo gaaray dhinacyada, ciidanak Somaliland ayaa lagu eedeeyay in Madaafiic ay ku garaaceen magaalada ay ka dhalatay khasaare soo gaaray dad shacab ah, iyadoo ay barakaceen qoysas badan oo ku noolaa.

Goobjoog News