U bood dhigaalka

Obama oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjire Cumar Cabdirashiid

Sheeko:War
obama vs sharmarke
Madaxweyne Obama iyo Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Mareykanka Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke

Madaxweynaha dalka Mareykanka, Barack Obama ayaa 23-sano kadib ka guddoomay warqadihii aqoonsiga danjirenimo danjiraha cusub ee dowladda Soomaaaliya ay u magacowday dhawaan dalka Mareykanka, Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke.

Munaasabad ka dhacday aqalka cad ee oo laga arrimoyo dalka Marekanka ayaa waxaa isku arkay madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama iyo safiirka cusub ee dowladda Soomaaliya u qaabilsanan doonna arrimaha Marekanka Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Marekanka Cumar C/rashiid waxaa uu horay u soo noqday ra’iisul wasaarihii Soomaaliya intii u dhexeysay sannadihii 2009-ka illaa 2010-ka,waxuuna noqonaya danjirihii ugu horeeyey ilaa markii ay burburtay dawladdii dhexe bishii January ee sanadkii 1991.

“Waa tallaabo taarikhi ah xilligan adkeynta xiriirka dalalka Soomaaliya iyo Mareykanka,waana noo muhiim waxaana madaxweynuhu uu iga goddoomay waraagihii aqoon siga,..”‘ ayuu yiri Cumar C/rashiid.

Safiirka cusub waxaa uu sheegay in howsha ugu horreysa ee uu qabanayo ay tahay sidii uu furi lahaa xafiiska safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka,waxuuna inta ku daray inuu si weyn ugu faraxsan yahay sida loo fududeeyay howsha magacaabiddiisa, ayna isaga iyo madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo bisha Ogoosto ee soo socota booqan doona Mareykanka ay kala hadli doonaan Barack Obama waxyaabaha muhiimka ah ee dowladda Soomaaliya ay doonayso in xilligan laga caawiyo.

“Ma jirto wax safaarad ah iyo meel an ku shaqeyno balse howshena ugu horreeysa ayaa noqon doonta sidii aan xafiiskii aanu ku shaqeyn lahayn u furi lahayn, una qori lahayn shaqaalihii ka shaqeyn lahaa safaaradd, markaas kaddib ayaan ka hadli doonnaa sababihii keenay in la iibiyo dhismihii safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka aan ku lahayn.” ayuu yiri Sharrma’arke.

Madaxweynaha Soomaaliya,Xasan Sheekh ayaa dhawaan u magacaabay ra’iisal wasaarihii hore ee dalka,Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke  danjire Soomaaliya u fadhinaya Washington .

Ujeedadda magacaabista muddo 23-sanno kaddib ay dowladda Soomaaliya safiirka ugu magacaabaray Marekanka waxaa lugu sheegay mid lugu xoojinayo xiriirka labada dal,maadaama Marekanku uu ka mid yahay dalalka taageera dowladda dhexe.

Wararka Goobjoog news