U bood dhigaalka

Madaxweyne Qoor Qoor oo Kulan La Qaatay Saraakiisha Amniga Iyo Milatariga Ku Sugan Galmudug.

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug   Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa maanta shir guddoomiyay kulan looga hadlayay dardar gelinta amniga iyo qorshayaasha lagu sugayo ammaanka.

Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galay taliyeyaasha  Amniga degaanada maamulka Galmudug ee Booliska nabad suggida iyo Milatariga.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa ka dalbaday Saraakiisha Amniga dardargalinta howla ha xaqiijinta Ammaanka degaannada Galmudug.

Madaxweynaha ayaa sheegay in loo baahanyahay dardar gelinta howlgalada ka dhanka ah Al-shabab ee ka socda deegaanna da Galumug.

Kulanka madaxweyne Qoo’qoor ayaa waxaa ku aadayaa iyadoo ciidamada xoogga dalka howlgallo ay ka wadaan deegaannada maamulkaasi waxaa ayna gaareen deegaanno hor leh kuwaas oo dhaca Mudud iyo Galgaduud.

Goobjoog News