U bood dhigaalka

Madaxweyne Qoorqoor oo Dhuusamareeb Ka Furay Shir Dib u Heshiineyd

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor, ayaa maanta ka daah furay xarunta madaxtooyada ee Magaalada Dhuusamareeb shirweynaha dib u heshiisiin ah oo lagu dhammeynaayo khilaafaadka iyo gacan ka hadalka soo laablaabta ee ka dhex jira Beelaha Galmudug.

Shirweynahaan oo ay soo qaban qaabisey Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Galmudug oo kaashaneysa madaxtooyada Galmudug, waxaa furitaankiisa ka qeyb galeen madaxda dhaqanka beelaha Galmudug, iyagoo munaasabada ka sheegey in ay muddo dheer sugayeen shirweynahan oo kale.

Shirkaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa waxgaradka beelaha Galmudug, Cabdi Maxamed Jaamac Wasiirka arrimaha gudaha Galmudug Ayaa yiri ” Muhiimada aan shirkaan u qabanay ayaa ahaa,In heshiis rasmi ah ay wada gaaraan madaxda dhaqanka Galmudug, isla markaana Dowlada fulin doonto Wixii lagu hishiiyo dhankooda”. ayuu yiri.

Axmed Cabdi Kaariye Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Galmudug oo shirka si rasmi ah u furay Ayaa yiri ” Waxaan ka xumahay colaadaha beelaha walaalaha ah ee joogtada noqday,Waxaana soo abaabulaan Argagaxisada Al-Shabaab oo hadafkoodu yahay,Inay kala dhantalaan Shacabka”.

Kulankaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo marar badan deegaannada Galmudug ay ka dhaceen dagaallo u dhaxeeyo beelo wada dega gobolka Galgaduud, waxaana uu noqday dagaal in badan soo laab laabtay,  xilligaan waxaa ka jira gobolka kacdoon dadka ay kaga soo horjeedaan Al-shabaab.

Goobjoog News