U bood dhigaalka

Madaxweyne Qoorqoor Oo Dib Ugu Noqday Dhuusamareeb

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo Wafdigi uu hogaaminayay ayaa dib ugu noqday caasimadda Galmudug ee Dhuusamareb, halkaas oo si diiran ay ugu soo dhaweeyeen wadiga, iyadoo soo dhoweynta madaxweynaha ay ka qeyb qaateen  maamulka gobolka iyo qeybihiisa kala duwan iyo bulshada.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo muddooyinkii dambe safar nabaddeed ku marayey deegaannada Galmudug, ayaa waxaa lagu wadaa inuu maalinta barrito in magaalada Dhuusamareeb kaga qeyb galo shirka madax maamul gobolada, kaas oo uu marti geliyey dowlad goboleedka Galmudug, kaas oo looga hadlaayo xaalada guud ee dalka.

Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug ayaa waxaa ku sii qulqulaya wufuud hor dhac u ah kuwa madaxda dowlad goboleedyada oo lagu wado in maanta gelinka dambe ay gaaraan magaalada Dhuusameeb, halkaas oo muddo kadib ay kulmi doonaan madaxda dowlad goboleedyada oo aysan cid kale ku wehlin kulanka.Image may contain: 2 people, people standing and outdoorImage may contain: 6 people, people standing and suit

Image may contain: one or more people, people standing and outdoor

Image may contain: 4 people, people standing, suit and outdoor

Image may contain: 2 people, people standing, suit and outdoor

Image may contain: 3 people, people standing and outdoor

Image may contain: 4 people, people standing and outdoor

Image may contain: 2 people, people standing

Image may contain: 8 people, people standing

Image may contain: 4 people, people standing and outdoor

Goobjoog News