U bood dhigaalka

Madaxweyne Qoorqoor oo Diray Ku Aadan Howlgallada Ka Socda Galmudug

Sheeko:Amniga
Madaxweynaha dowladgoboleedka Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye( Qoorqoor) oo ka qeyb galay munaadabadda xiritaanka Kalfadhiga shanaad ee Baarlamaanka Galmudug, waxaa kale oo qeyb galay  madaxweyne kuxigeenka Galmudug, gudoomiyaha Baarlamaanka, Xeer Ilaaliyaha guud ee Galmudug, golaha wasiirada iyo xildhibaanada iyo marti sharaf kale.
Madaxweynaha Qoorqoor ayaa sixiixay laba sharci oo kala ah Sharciga xibsiyada iyo sharciga Gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka, waxuuna madaxweynaha sheegay in Galmudug ay u tallaabsatay wadada dimoqraadiyadda, lana diiwaan galin doono xisbiyada siyaasadda, waxaana uu Baarlamaanka u jeediyay baaq ku aadan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.
“Ololaha iyo la dagaalanka Argigixisada ee sida xowliga ah uga socda Galmudug, waxaan Baarlamaanka sharafta leh ka codsaneynaa, inaan howshaas aan ka qeyb qaadano, dhammaan deegaan doorashooyinka aan aadno, deegaan doorasho kasta sida looga qeyb galayo howshaas safka dagaalka loo wada galayo, in Baarlamaanku kasoo qeyb qaataan, haddii ay tahay xoolihii, ciidan, baraarujin iyo howlwalba, waa nagula jiraan oo aad ayey uga dhex muuqdaan” ayuu yiri.
Hadalka kasoo baxay madaxweyne Qoorqoor ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli golaha wakiillada Galmudug ay galayaan fasax maadaama uu soo xirmay Kalfadhig 5-aad ee Baarlamaanka, waxaana deegaannada Galmudug Bariga iyo Waqooyiga ka socda howlgallo ay wadaan ciidanka xoogga dalka iyo dadka deegaan oo looga soo horjeedo xooggaga Al-shabaab.
Goobjoog News