U bood dhigaalka

Madaxweyne Qoorqoor oo Fariin u Diray Shacabka Galmudug

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo khudbad ka jeedinayey munaasabaddii furitaanka kalafadhiga 2-aad ee Baarlamaanka Galmudug ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah kuwaas oo Galmudug u qabsoomay intii ay jirtay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in lagu guuleystay in la nabadeeyo deegaannada Galmudug lana xakameeyo maleeshiyo beeleedkii ku dagaalami jiray Gobolada Mudug iyo Galgaduud, waxaana uu itaas ku daray in ay weli la sugayo goglo nabadeed oo ay isugu imaanayaan beelo dhowaan dagaalamay, waxaana uu yiri mar uu ka hadlaayey.

“Dib u heshiisiin siyaasadeed oo horseeday Galmudug mid ah, taas oo dhinacyo badan ay ka qeyb galeen hoggaanno, mas’uuliyiin, siyaasiyiin samaamiley siyaasadeed oo dhinac weliba ay ka qeyb galeen keentay Galmudug oo mid ah iyo dad badan oo maqan oo reer Galmudug ah ay gacan ka geysteen oo ay ka qeyb galeen heshiisyadaas masiiriga ah ee bulshada dhexdeeda ka dhacay oo guulo waa weyn oo dib u heshiisiin laga gaaray, iyadoo gogluhu furan yihiin”

“Waxaan ku guuleysanay inaan xareyno ciidamo beeleedyadii kala duwanaa ee ku sugnaa deegaannada qaar iayadoo inta dhimanna la xareyn doono oo gacanta lagu hayo in ay soo xaroodaan oo qeybo waa weyn oo muuhiim ah ay noo dhiman yiohiin. Waxaa mardhow qalin jabin doona ururada tabarka galay Horseed Shabeel iyo ciidamada Daraawiishta Galmudug oo tababarka ku kala qaadanaya dugsiyada indho-qaris iyo Dhaankaroone” ayuu yiri.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa Shacabka Galmudug ugu baaqay in ay diyaar garoobaan dagaal ka dhan ah Al-Shabaab oo uu sheegay in ay dhibaato ku hayaan degaano ka mid ah Galmudug.

” Dadka reer Galmudug waxaan ugu baaqayaa in ay u diyaar garoobaan garab istaagga ciidamada amniga si Argigisada uga xoreyno deegannada iyo dadka ay dhibka ku hayaan ee ay kor fadhiyaan muddada dheer, waxaana halkaan ka bogaadinayaa ciidamada ammaanka oo har iyo habeen u taagan sugidda amniga ilaalinta xasiloonida dadka iyo deegaanka Galmudug” ayuu yiri Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye.

Goobjoog News