U bood dhigaalka

Madaxweyne Qoorqoor oo Gaaray Baydhabo iyo Shirkii Wadatashiga oo Furmay

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa haatan gaaray Magaalada Baydhabo ee Caasimadda Kumeel gaarka ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa oo ka koobanaa Xubno ka tirsan labada gole  ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ee Magaalda Baydhabo kusoo dhaweeyay Madaxweynaha KGS Mudane Laftagareen iyo xubno kale.

Magaalada Baydhabo ayaa hadda waxaa ka socda kulan wadatashi ah oo ay leeyihiin madaxdweynayaasha  Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed, waxaana lagu wadaa in laga soo saaro war murtiyeed.

Madaxda  ayaa u soo duulayo Muqdisho si ay Farmaajo iyo madaxda kale  kulamaan khamiista shir ka furmi-doona caasimadda Muqdisho ayaa lagu wadaa in looga dooda nooca doorasho ee la isku afgartay Dhuusamareeb 3.

Goobjoog News