U bood dhigaalka

Madaxweyne Qoorqoor oo Guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirrada Galmudug

Sheeko:Amniga
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee golaha wasiirrada Galmudug oo ka qabsoomay Aqalka Madaxtooyada, ee magaalada Dhuusamareeb, waxaana looga hadlay arrimo dhor ah.
Shirka ayaa ku saabsanaa dhageysiga Qorshaha Horumarinta Galmudug State Development Plan ( GSDP-3), ee sanadaha 2023-2024 kaas oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowlad Goboleedka Galmudug.
Shirkaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli magaalada caasimadda ah ee Dhuusamareeb ee caasimadda ah ay ka socdaan mashaariic kale duwan oo lagu hormarinayo, walow Todobaadkii tagya magaalada uu saameyn u geystay daad xooggan oo ku rogmaday qeybaha magaalada.
Goobjoog News