U bood dhigaalka

Madaxweyne Qoorqoor oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Abwaan Bedel Jaamac

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid  Allaha u raxmadee, Abwaan Badal Jaamac Xersi (Laangare), oo kubaysan caawa ku dileen degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, waxaana qoraal kooban oo kasoo baxay madaxtooyada maamulka Galmudug lagu yiri.

“Madaxweynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa ka tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee kutimid allaha uraxmadee, Abwaan Badal Jaamac Xersi (Laangare), oo goor dhow kooxo dhagarqabayaal ah ku beegsadeen xili uu salaadii maqrib kasoo baxay masjid kuyaala degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho”

Allah unaxariistee Abwaan Bedel Jaamaca ayaa caawa waxaa laba ruux oo ku hubaysan Bastoolado waxaa ay ku dishay degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, xilli uu kasoo baxay masaajid uu ku tukaday salaadii Maqrib, kooxdii dilka fulisay ayaa goobta isaga baxsaday, ciidamada ammaanka oo goobta gaaray ayaa sameeyay howlgal kooban.

Goobjoog News