U bood dhigaalka

Madaxweyne Qoorqoor oo Lagu Soo Dhoweeyay Muqdisho

Sheeko:Amniga
Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor  iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka. Waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan Abdule kuso dhoweyey wasiirro,xildhibaanno iyo qaar kamid ah bulshada caasimadda.

Madaxweynayaasha Jubbaland Axmed Madoobe  Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed  ayaa horay u soo gaaray caasimadda, waxaana lagu wadaa in ay ka qeyb galaan shirka wadatashiga dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, kaas oo isugu yeeray madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Shiikh Maxamuud, iyadoo looga hadlayo arrimo dhowr ah.

Madaxweynayaasha maamullada Galmudug, iyo Puntland ayaa dhankooda lagu wadaa in ay soo garaan magaalada Muqdisho, shirka arrimaha ugu waaweyn oo looga hadlayo ayaa waxaa ka mid ah arrimaha amniga dalka iyo xaaladda Abaaraaha taas oo dad iyo duunyo saameysay.

Goobjoog News