U bood dhigaalka

Madaxweyne Qoorqoor oo Magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Galmudug

Sheeko:Amniga

Madaxweyne dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta magacaabay guddoomiyaha maxkamadda sare ee maamulkaasi.

Wareegto uu soo saaray madaxweynaha ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo ka ambaqaadaya Ballanqaadkiisa ahaa dhisidda Hay’ad Garsoor oo Tayo leh, ayaa Magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Galmudug oo ah hay’adda ugu sareysa laamaha Garsoorka, waxaana loo magacaabay Cabdullahi Maxamuud Gacal”ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay.

Guddoomiyaha Barlamaanka DGM Mudane Dr. Maxamed Nuur Gacal ayaa isla goobta ku dhaariyay Guddoomiyaha Cusub Ee Maxkamadda Sare ee galabta uu magacaabay madaxwetne Galmudug.

Goobjoog News