U bood dhigaalka

Madaxweyne Qoorqoor oo Magacaabay Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Galmudug

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa caawa magacaabay xeer ilaaliyaha guud ee maamulka Galmudug.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada ayaa lagu xusay in madaxweynaha uu Cabdicasiis Nuur Xuseen u magacaabay Xeer ilaaliyaha guud ee dowlad goboleedka Galmudug.

                                Halkaan ka akhriso

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa xeer soo baxay oo ku astaysan 26 Agoosto,2020 ku Magacaabay Xeer ilaaliyaha Guud ee Dowladda Galmudug.

Madaxweynaha Dowladda Galmudug

Markuu arkay Qod:6aad ee dastuurka DGM ee qeexaya sarreynta sharciga.
Markuu arkay: Qod.18aad ee dastuurka DGM ee qeexaya dhawrista xaquuqda eedeysanaha.
Markuu arkay: Qod:46 ee qeexaya awoodaha madaxweynaha.
Markuu arkay: Qod:60aad,61aad iyo 62aad ee dastuurka DGM ee xeerinaya garsoorka Galmudug.
Markuu helay soojeedinta: Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee DGM
Markuu garowsday: baahida deg deg ah ee loo qabo dhisidda hay’adda xeer ilaalinta ee DGM
Markuu la tashaday: madaxweyne ku xigeenka DGM

Wuxuu soo saaray xeerkaan:
Qodobka 1aad
Waxaa loo magacaabay Mudane: Cabdicasiis Nuur Xuseen Xeer ilaaliyaha guud ee DGM
Qodobka 2aad
Xeerkan wuxuu dhaqangalayaa marka uu madaxweynuhu saxiixo waana saxiixay.

Goobjoog News