U bood dhigaalka

Madaxweyne Qoorqoor oo Safarkii Nabadda Ku Soo Gabangabeeyey Guriceel

Sheeko:Amniga

Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye “Qoor Qoor” oo maalmahan socdaal ku marayey degmooyin iyo deegaanno dhaco gobolada Mudug iyo Galgaduug, ayaa sheegay in safakii nabadda uu ku soo gaban gabangabeeyey  magaalda Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Mdaxweynaha oo bulsho isugu soo baxday soo dhoweyntiisa kula hadalay Guriceel ayaa sheegay in magaalada Gericeel ay muhiimad weyn ugu fadhiso Galmudug, waxaana uu aad ugu dheeraaday xaaladii ay soo martay.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa sidoo kale xusay in bulshada ku dhaqan Guriceel ay u dhabar adeegtay sidii ay uga adkaan lahaayeen Al–shabab, oo muddo ururka Ahulusunna kula dagaalamay gobolka Galagaduud, isaga oo intaas ku daray in ay tahay magaalo ganacsi oo ku wanaagsan hormarka sida uu hadalka u dhigay madaxwyne Qoorqoor.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo horay u soo maray deegaanno badan oo dhaca gobolada Mudug iyo  Galgaduud,ayuu sheegay in safarkiisu ahaa safar nabadeed, waxaana uu bogaadiyey bulshadii kala duwaneed uu kula soo kulmay intii safarka uu ku jiray, madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu dib ugu laabto magaalada Dhuusamareeb caasimadda u ah maamulka Galmudug.

Goobjoog News