U bood dhigaalka

Madaxweyne Shariif oo Baydhabo Kula Kulmay Odeyaasha Dhaqanka

Sheeko:Amniga

Guddoomiyaha midowga musharrixiinta Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo todobaadkan booqasho ku jooga magaalada Baydhabo ee xarunta Koonfur Galbeed ayaa kulan la yeeshay odeyaasha dhaqanka.

Mudane Shariif oo sidoo kale fadhiga uu ku wehliyey madaxweynaha Koonfur galbeed Cabdicasis Lafta-gareen iyo xubno ka tirsan madasha xisbiyada ayaa waxaa uu wadatashi la qaaday odeyaasha dhaqanka kuwaas oo maalmo kadib xulaya ergada xuleysa xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo todobaadkii hore loo doortay Guddoomiyaha midowga musharrixiinta, horayna u ahaa guddoomiyaha madal ay ku mideysan yihiin 6-da xisbi ee ugu awoodda badan dalka, isla markaana ah hoggaamiyaha Himilo ayaa ka mid ah murashaxiinta madaxtinnimada Soomaaliya isaga oo la tartamaya Farmaajo uu ahaa ninkii uu dalka keenay, shaqana siiyey, oo uu ra’isul wasaare ka dhigay.

Goobjoog News