U bood dhigaalka

Madaxweyne Shariif Xasan Oo Ku Baaqay In Laga Taageero Dhismaha Iyo Tababarada Ciidamada Booliiska

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ku baaqay in laga taageero maamulkiisa dhismaha iyo tababarada ciidamada Booliiska.

Waxa uu sheegay Shariif Xasan in ciidamada Booliiska ay yihiin laf dhabarta amniga dalka, sidaa darteedna ay ka maamul ahaan u baahan yihiin Booliis badan oo amniga wax ka qabta.

Dhinaca kale Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa shalay tababar waxa uu usoo xiray ciidamo Booliis ah oo maalmahaan dambe lagu tababarayay magaalada Baydhaba.

Ciidankaan tababarka soo dhameystay ayuu kula dardaarmay in deegaanada Koonfur Galbeed ee la geeyo ay ka dhigaan amni, islamarkaana ay wada shaqeyn la yeeshaan shacabka.

Maamulka Koonfur Galbeed oo Sanad jirsaday ayaan weli haysan ciidamo Booliis ah oo ku filan, hase ahaatee xerooyin ciidan oo ku yaalla gobalada Baay iyo Bakool waxaa ku xareysan ciidamo maamulkaasi loo tababarayo.

Goobjoog News