U bood dhigaalka

Madaxweyne Siilaanyo “Dadka Hadii Ay La Socon Kari Waayaan Maamulka Jira Xaq Bay u Leeyihiin Inay Is Casilaan”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxmauud Siilaanyo ayaa ka hadlay is casilaadii shalay ay ku dhawaaqeen ku dhawaad 10 ka mid ah golahiisa wasiirada.

Waxa uu sheegay Siilaanyo in cid walba oo la socon weysa shaqada ay xaq u leedahay in ay is casisho, isaga oo hadal adag ku sheegay in cid walba oo isaga la shaqeyn karin u banaan tahay inay iska tagto, ciddii la shaqeyn kartana ay la joogto.

Dadka hadii ay la socon kari waayaan maamulka jira, xaq bay u leeyihiin inay is casilaan, qofkii shaqadiisa ka tagay isaga ayeey quseysaa, laakiin waxaan cadeynayaa in dadku badan yahay, cidii aan ila shaqeyn karin wey iska tagaysaa qofkii ila shaqeyn karana wuu joogayaa” ayuu yiri Madaxweyne Siilaanyo.

Dhinaca kale Axmed Siilaanyo ayaa ka gaabsaday in uu isaga isku soo sharixi doono xilka madaxweyne ee maamulka Somaliland, maadaama hadda xisbigiisu ay kasoo baxeen musharrixiin aad u badan.

Shalay ayaa ku dhawaad 10 wasiir oo maamulka Somaliland ka tirsan waxay ku dhawaaqeen in shaqadii ay isaga tageen, ka dib markii ay sheegeen inay la shaqeyn waayeen Axmed Siilaanyo.

Goobjoog News