U bood dhigaalka

Madaxweyne Siilaanyo iyo Madaxda 3-da Xisbi Qaran ee Somaliland oo Ka Arrinsaday Saami Qeybsiga Baarlamaanka Cusub

Sheeko:Baarlamaanka

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo guddoomiyeyaasha saddexda xisbi qaran ee Somaliland ayaa maalintii shalay ka wada xaajooday saami qeybsiga baarlamaanka ee doorashooyinka Somaliland.

War-murtiyeed uu  soo saaray afhayeenka madaxtooyada Somaliland Garyaqaan Cabdiraxmaan Sheekh Cilmi Faahiye(Shamax) ayaa lagu sheegay in shirka lagu soo hadal qaaday sidii xal looga gaari lahaa saami qeybsiga kuraasta aqalka wakiilada ee gobolada Somaliland.

Madaxweyne Siilaanyo oo la hadlay madaxda saddexda xisbi qaran ayaa sheegay ulajeedada kulanku yahay xal u helidda caqabadaha ku aaddan doorashooyinka baarlamaan, gaar ahaan saami qeybsiga  xubnaha baarlamaanka ee gobollada.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu kula dardaarmay madaxda Axsaabta iney ka go’aan gaaraan qeybinta kuraasta Golaha wakiillada, isagoo ka dalbaday iney si mideysan uga howlgalaan diiwaan gelinta gobollada Sool iyo Sanaag oo ku tilmamay kuwo muhiim u ah siyaasadda Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu xusay  iney ka go’an tahay in doorashada wakhtigeedii lagu qabto oo aaney dib uga dhicin xilligii loogu talagalay.

Guddoomiyeyaasha saddexda xisbi qaran; Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, Gudoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo kulanka ka dib shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay inay fadhi dambe ka yeelanayaan una talo badsanayaan qodobada uu madaxweynuhu u soo jeediyay ee ku saabsan caqabadaha doorashooyinka Somaliland iyo sidii looga gudbi lahaa.

Guddiga arrimaha gudaha iyo nabadgelyada baarlamaanka Somaaliland oo sahan ugu baxay dhamaan gobollada waaweyn lana kulmay waxgaradka iyo odayaasha; ayaa waxaa usoo baxday in gobol kastaa uu aaminsanyahay inuu isagu yahay kan ugu weyn uguna yar xubnaha u matalaya baarlamaanka ee saamiga loo siiyay, iyadoo arrinkaasi muujinayso sida qoddobka saami qeybsigu golaha wakiilladu u adag yahay.

Somaliland ayaa la filayaa in doorashada madaxtooyada iyo tan wakiilada loo dareero 27-ka March 2017,  ayadoo ay jiraan arrimo caqabado ku ah doorashooyinkaas.

Goobjoog News