U bood dhigaalka

Madaxweyne Siilaanyo oo Degreeto Kusoo Saaray Maalinta Dhalinyarada Somaliland

Sheeko:Dalka

War-saxaafadeed maanta kasoo baxay madaxtooyada maamulka Somaliland ayaa lagu sheegay in maalinta dhalinyarada maamulku ay noqoneyso  20-ka bisha Labaad ee February oo sanadkasta loo dabaaldagayo.

 

WAR-SAXAAFADEED       18/02/2017

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4570/022017 uu ku meel mariyey in maalinta 20-ka bisha Labaad (February) ee sannad walba loo asteeyey in ay ahaato maalinta Dhallinyarada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynuhu:

Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Codsiga Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, ee summaddiisu tahay WDHC/01/08/17, kuna taariikhaysan 16/02/2017, ujeeddadiisuna tahay Codsi Magacaabid Maalinta Dhallinyarada Somaliland;

Markuu Qiimeeyey: Ahmiyadda ay Dhallinyaradu u leeyihiin Qaranka Jamuuriyadda Somaliland, isla markaana ay muhiim tahay in la dhiiri-galiyo;

Wuxuu Go’aansaday

In maalinta 20-ka bisha Labaad (February) ee sannad walba loo asteeyey in ay ahaato maalinta Dhallinyarada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

In Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaruhu ay hirgeliso xuska maalintaa sannadlaha ah, iyada oo kaashanaysa Hay’addaha ku shaqada leh Arrimaha Dhallinyarada.

ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Afhayeenka Madaxtooyada JSL

20, February, 1982,  waxaa gobollada waqooyi ka kacay mudaharaad weyn oo arday ka gadoodsaneyd dil lagu xukumay dhallinyaradii UfO oo u badnaa macallimiin, dhakhaatiir, Ganacsato, Agaasimayaal iyo shaqaale kale, iyadoo maalintaa loo aqoonsaday iney tahay maalinta dhalinyarta Somaliland.

Goobjoog News