U bood dhigaalka

Madaxweyne Siilaanyo Oo Dhaliilay Dowladda Federaalka

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa dhaliil u jeediyay dowladda Federaalka Soomaaliya, xilli uu jeedinayay khudbaddiisii sanadlaha ahayd.

Siilaanyo ayaa sheegay inay ka war hayaan in madaxda dowladda Federaalka ay gacanta kula jiraan arrimo ka dhan ah nabadda iyo wadajirka Somaliland waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waxa uu tilmaamay in dowladda Federaalka ay deegaanada Somaliland ka waddo qorshe uu sheegay inay ku carqaladeynayso diiwaangelinta iyo doorashooyin ka dhaca deegaannada maamulkaasi ka arrimiyo.

“Waxaan la soconnaa in madaxda dowladda Soomaaliya ay gacanta kula jiraan arrimo ka dhan ah nabadda iyo wadajirka qaranka, waxaan ognahay inay soo abaabuleen kooxo ay ugu talagaleen inay qalqal geliyaan nabadda iyo deganaanshaha Somaliland islamarkaana ay carqaladeeyaan diiwaangelinta iyo doorashooyinka, waxaan ugu baaqeynaa inay iyagu xil iska saaraan xal u helidda dhibaatooyinka hareereeyay dhulkooda, waxaan leeyahay u dulqaadan mayno farogelinta aad ku haysaan ciidda iyo calanka-yaga, cidna kuma xadgudbi karto xaqqa aaya ka tashiga dadka-yaga iyo xurmada madaxa banaan ee dalka-yaga, xuquuqda aasaasiga ah iyo xuduudaha Somaliland waa lama taabtaan diyaarna waxaan u nahay inaan dhiigga u daadinno dhulka hooyo” ayuu yiri Siilaanyo

Madaxweyne Siilaanyo ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Somaliland inay isku duubnaadaan, kana hortagaan wax walba oo uu ku sheegay in qarankoodu burburin karo.

Goobjoog News