U bood dhigaalka

Madaxweyne Siilaanyo Oo Magacaabay Guddiga Xallinta Khilaafka Xisbiga Kulmiye

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa guddi ka kooban Shan xubnood u magacaabay inay xalliyaan khilaafka xilligaan ka dhex taagan xisbiga talada maamulkaasi haya ee Kulmiye.

Wareegto uu soo saaray Siilaanyo ayaa waxa uu ku sheegay in guddigaan uu si madax banaan u baari doono waxyaabihii keenay khilaafka xisbiga Kulmiye, qaladaad dhacay hadii ay jiraan iyo sidoo kale sidii xisbiga waxa ka dhex aloolsan loo xallin lahaa.

Xubnaha guddiga ayaa kala ah:-

  1. Xasan Axmed Aadan, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka
  2. Maxamed Faarax Xirsi, Guddoomiyaha Akaadamiyada Nabadda iyo Horumarka
  3. Axmed X. Cali Cadami, Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland
  4. Axmed Muxumed Madar, Guddoomiyaha Guddida Maamul-Wanaagga
  5. Cabdikariim Axmed Maxamed (Xinnif), Agaasimaha Maamulka SOLNAC

Xibsiga Kulmiye waxaa maalmihii ugu dambeeyay kasoo dhex cusboonaaday khilaaf sababay in wasiiro ay shaqadooda ka tagaan.

Waxaa aad looga cabsi qabay in xisbigani uu burburo sida xisbigii UDUB, iyadoo siyaasiyiin badan ay ka digeen arrinkaasi.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa habeen kahor waxa uu shir isugu wacay wasiiradii is casilay ee isku xisbiga yihiin, balse waa ay ka dhego fureesteen.

Goobjoog News