U bood dhigaalka

Madaxweyne Siilaanyo Oo Magacaabay Wasiiro Cusub

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa buuxiyay boosaskii ay baneeyeen wasiiradii is casilay, isaga oo soo magacaabay 7 wasiir.

Xubnaha uu haatan magacaabay qaarkood waxaa ku jira wasiiro xilka loo soo bedalay, halka qaarkoodna ay cusub yihiin.

Tani waxay ka dambeysay ka dib markii ku maalin kahor ay is casileen ku dhawaad 10 wasiir, kuwaasi oo sheegay in Siilaanyo ay la shaqeyn waayeen.

Wasiirada la magacaabay ayaa kala ah:-

  1. Maxamuud Xaashi Cabdi, waxaa loo magacaabay inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland(Hore Duulista).

    2. Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), waxaa loo magacaabay inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka ee Somaliland (Hore Xildhibaan).

    3. Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandulle), waxaa loo magacaabay inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Somaliland (Hore Wasiiru-dawlihii Arrimaha Nabadaynta ee Gobolada Bariga).

    4. Cali Xuseen Ismaaciil Jirde (Cali Shoombe), waxaa loo magacaabay inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta ee Somaliland ( Hore Wakiilkii Kenya u fadhiyey Somaliland).

    5. Dr. Sacad Cali Shire, waxaa loo magacaabay inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland (Hore Wasiirkii Qorshaynta Qaranka).

    6. Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Cadaani), waxaa loo magacaabay inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada ee Somaliland (Hore Wasiiru-dawlihii Maaliyada).

    7. Xuseen Aaden Cige (Deyr), waxaa loo magacaabay inuu noqdo Af-hayeenka Madaxtooyada Somaliland.

Guud ahaan deegaanada Somaliland ayaa aad looga hadal hayaa arrinta ku aadan wasiirada cusub ee lasoo magacaabay, iyo sidoo kale xaaladda siyaasadeed ee halkaasi ka jira.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News