U bood dhigaalka

Madaxweyne Siilaanyo “Soomaalinimadu Ma Ahan In Siyaasad Kaliya La Wadaago”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo khudbad ka jeediyey xuska 25 guurada kasoo wareegtay markii Somaliland sheegtay in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale ayaa sheegay in ay ka madax banaan yihiin Soomaaliya inteeda kale sida ay uga madax bannaanyihiin Soomaalida Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waxa uu sheegay in hadii la heshiin waayey ay muhiim tahay in la kala tago oo cid walba sida ay ku noolaan karto ku noolaato.

“Hadii Soomaali wada noolaan kari weydaysay waxa uu caqliga ina farayaa inaan kala noolaano, hadii wax la wadaagi waayo waxaa wanaagsan in wax la kala yeesho, waxaan aaminsanahay in tallabo wanaagsan ay qaateen walaalaheena Soomaaliyeed ee ku kala nool Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti, ma ahan in Soomaalinimadu tahay siyaasad la wadaago laakiinse waa jinsi ka dhaxeeya umad ballaaran, qowmiyadda Soomaaliyeed ee aanu ka mid nahay waxaa mideeya afka iyo Isirka oo kaliya”

Silaanyo ayaa dhinaca kale sheegay in Somaliland u baahan tahay in la maalgeliyo dekadda magaalada Barbara taasi oo dood keentay kadib markii uu heshiis kula soo saxiixday dalka Imaaraadka carabta shirkad maalgelin doonta Dekaddaasi.

“Waxaan hamiga ku hayey dib u dhiska dekadda Berbera oo ah meel ganacsi oo muhiim u ah geeska Afrika iyo marin biyoodka badda cas, anigoo ahaa wasiir ka tirsan dowladii madaxweyne Siyaas Barre ayaan ku dagaallamay dhismaha iyo ballaarinta dekadda Berbera hadaba maanta oo Somaliland madaxweyne ka ahay waa maxay waajibka igala gudboon arrintaasi” ayuu hadalkiisa raaciyey Siilaanyo.

Guud ahaan deegaannada Somaliland waxaa maanta laga xusayaa 25 sano guuradii kasoo wareegtay markii ay Somaliland sheegtay in Soomaaliya inteeda kale ay ka go’day.

Cumar Serbia

Goobjoog News

Hargeysa, Somaliland