Madaxweyne Trump Oo Booqday Goobaha Duufaanta Ku Dhufteen

Madaxweynaha Mareykanka Dowland Trump waxaa uu booqasho ku tagay magaalada Texas isaga oo duufaanta ku sheegay mid taariikhi ah.

Mr. Trump waxaa kale uu Duufaanta ugu yeeray mid dilaa ah, dadka dhameysay, waxaa uu intaasi ku daray in biyahaasi oo kale aan horay loo arag, waa argagax ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay.

Duufaanta oo Balaayiin Dollar oo khasaare ah ka dhasheen, waxaa ay mas’uuliyiinta Texas sheegayaan in 500 Kun oo guri ay wax ku noqdeen, welina ay dhici karto in xaaladda ka sii darto.

Gobolka Houston dad 4 kun ka badan ayaa la daad-gureeyay, waxaana la sheegayaa in khasaare badan uu ka dhashay duufaanta.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW