U bood dhigaalka

Madaxweyne Trump Oo Diiday Hindise Sharciyeedka Gaarka Ah ee Covid 19

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Mareykanka ee doorashada dhowwaan looga adkaaday ee e Donald Trump ayaa xalay ku hanjabay inuusan saxiixi doonin xeer uu ansixiyay Congers-ka  Mareykanka oo isugu jira 1.4 tiriliyan, lacagtan ayaana waxaa qeyb ka ah $900 Bilyan oo ah lacagaha gargaarka corona virus.

Trump ayaa Fariin muuqaal ah oo uu soo dhigay barta Twitter-ka ayuu ku sheegay in xirmada “runti ah ay tahay ceeb”, oo ay ka buuxaan waxyaabo “qashin” ah. isaga oo intaa raaciyey “Waxaa loogu yeeraa biilka gargaarka Covid, laakiin wax shaqo ah kuma laha Covid,” .

Lacagta $ 900 bilyan ayaa loogu tala galay gargaarka coronavirus, waxaa ku jira lacag dhan $600 Bilyan oo la siinayo dadka Mareykanka, iyadoo qof walba uu qaadan doono $2,000 , halka lamaanayaasha is qaba lasiin doono $4,000 .

Hadalka ka soo yeeray Trump ayaana waxa uu khalkhal geliyay lacagihii gaarka ahaa ee mudada dheer la sugayay .

Madaxweynaha Jamhuuriga, ah ee doorashada looga adkaday oo la filayo in uu baneeyo xafiiska 20 Janaayo, ayey aheyd in uu saxiiixo sharcigan baahinta ka dib markii uu meel mariyay golaha koongoreeska habeenkii Isniinta.

Goobjoog News