Madaxweyne Trump Oo Saxiixay lahaanshiyaha Cadowga Israel Ee Golan

Madaxweynaha Mareykanka Donald John Trump ayaa shalay oo isniin aheyd waxaa uu saxiixay lahaanshiyaha cadawga Israel ee buuraleyda Golan. Waxaa agtiisa taagnaa ra’iusl wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu.
Trump oo hadlay saxiixa kadib ayaa sheegay in arrintan la qorsheynayey in muddo ah, dhankiisa waxaa uu Netanyahu u tilmaamay mid taariikhi ah.
Golan waa dhul ay leedahay Suuriya, waxaa ay cadawga qabsadeen dagaalkii June 5, 1967, waxaana lagu qiyaasay 1,800 km².
Todobaadkan, Soomaaliya ayaa ka mid noqotay dalal ka aamusay masiirka Golan, iyada oo ka hortimid go’aanka Carabta iyo dalalka Islaamka.
Dad badan oo falanqeeya arrimaha bariga dhexe waxaa ay qabaan in Trump uu sidan u sameynayo doorashada 2020-ka iyo doorashada Benjamin Netanyahu ee bisha soo socota.
Goobjoog News