Madaxweyne Waare ”150.000 oo Qof ayaa ka Barakacday Fatahaadda Webiga Shabeelle

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, ayaa ku baaqay in Dadka ku dhibaataysan daafaha Magaalada Baladweyen loo sameeyo gurmad ballaaran.

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Waare oo isaga oo ku sugan Magaalada Baladweyne Waraysi gaar ah siiyay Radiyaha dowladda ayaa sheegay inay Magaalada ka barakaceen Dad gaaraya 150,000 Oo Qof, kuwaasoo ay dhibaatooyin kala geddisan ku haystaan halka ay u qaxeen.

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Waare ayaa Dowladda dhexe, hay’adaha samafalka, Ganacsatada, Bulshada qaybaheeda wax haysata iyo qurba joogtaba ugu baaqay inay Gacan weyn ka geystaan samata bixinta Dadka ku tabaalaysan daafaha Magaalada B/weyne.

Webiga Shabeelle ayaa ku fatahay magaalada Baladweyn, dadka ayaa u qaxay deegaanka Ceel-jaalle ee duleedka magaalada, dhibaatadan oo 10 maalmood jirsatay ma jirto ilaa hadda wax gargaar ah oo dadkaasi la gaarsiiyay.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW