U bood dhigaalka

Madaxweyne Waare oo Baladweyn Kula Kulmay Dhaqanka Labo Beelood oo gobolka Ku Dagaalamay

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta Madaxtooyada Beledweyne kula kulmay Odayaasha dhaqanka labo beelood oo dhowaan shaqaaqooyinka ku dhex maray Xadka Itoobiya iyo Soomaaliya ee Feer Feer.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa kala hadlay odayaasha labada dhinac inay ka shaqeeyaan Nabadda iyo xasilooni ka hana qaada deeganada ay degaan beelaha walaalaha ah ee dagaalamay, waxaana dhinaca kale Mudane Waare xusay in shacabka dan ugu jirto wada noolaanshiyaha iyo daris wanaaga.

Odayaashaan ayaa ah dhaqanka labo beelood oo dhowaan ku dagaalamay deegaanka Abaaley oo hoos taga degmada Feerfeer ee gobolka Hiiraan, halkaas oo lagu dilay lix ruux halka tiro kale lagu dhaawacay, labada dhinac ayaa heshiis dhowaan ku gaaray magaalda Baladweyne.

Goobjoog News