U bood dhigaalka

Madaxweyne Waare oo Saaxiibada Soomaaliya Ugu Baaqay in Xal Waara Loo Helo Fatahaada Baladweyne

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa si faah faahsan kaga hadlay Saameynta Fatahaada Beledweyne iyo guud Ahaan Hirshabelle Shir Online ahaa Oo uu oo siwadajir ah uga qeyb galeen isaga iyo Ra’iisalwasaare  Keyre  ula yeesheen wakiillo ka socda Beesha caalamka oo  looga hadlay Xaaladda bini’aadninimo ee Beledweyne iyo gobalka Shabeellada Dhexe oo maalmahaan uu ku fatahay Webiga Shabeelle.

Shirkan waxaa ka qeyb galay wakiillo ka socda Beesha Caalamka, Saaxiibada daneeyo Soomaaliyam hay’adaha deeqda bixiya iyo hay’adaha fuliya oo ay ka mid ahaayeen Mareykanka, Jarmalka, Sweden, UK, Masar, Turkiga, Norway, Talyaaniga, EU, Amisom iyo Baniga Adduunka iyaga oo lafo guray sida ugu sahlan ee xal loogu heli karo.

Madaxweynaha HirShabelle ayaa ka hadlay sida muhiim ay u tahay Xal u helida fatahaada Beledweyne ku soo noq noqday, iyo saameynta Culus ay ku yeeshaan Bulshada Hirshabelle, waxaana uu soo jeediyay talooyin ku aaddan sidii xal waara loogu heli helaa biyaha sanad weliba ka soo rogmanayo webiga oo khasaare badan geysta markaas.

Kulanka ayaa lagu go’aamiyay in xal waara loo helo dhibaatada fatahaadaha iyo abaaraha, lana sameeyo qorshe lagu maareynayo biyaha, iyo In loo gurmado dadka ka barakacay fatahaadaha magaalada Beledweyne iyo tuulooyinka hoos taga Jowhar kuwaas oo qobowga iyo qoraxda maalintii ah ku wajahayo duleedyada Jowhar iyo Baledweyne.

Ugu dambeyn Ra’isul Wasaaraha xukuumadda federaalka dalka   Xasan Cali Kheyre ayaa bogaadiyay dadaalka ay sameeyeen Dawladda Federaalka iyo Dawlad-goboleedka HirShabelle, kuwaas oo yareeyay khasaarihii uu inta badan sameyn jiray wabiga maadaama maalmihii tagay meelo badan oo webiga ah ay caro buuxin lagu sameeyey.

Goobjoog News