U bood dhigaalka

Madaxweyne Waare oo Saraakiil Ka Tirsan AMISOM Kala Hadlay Sugidda Amniga

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa la kulmay saraakiisha ciidamada AMISOM ee sector 4 ee ka howlgala Gobolka Hiiraan, iyagoo ka wada hadlay sugida amniga iyo wada shaqeynta Maamulka Gobolka Iyo ciidamada AMISOM.

Saraakiisha AMISOM ayuu ku booriyay sida ay dagaalka ka dhanka ah Al shabaab uga wadaan deegaannada maamulka Hirshabeelle isaga oo saraakiisha ku sii dhiira geliyay inay wadaan howlahooda la xiriira sugidda amniga.

Dhanka kale Madaxweyne Waare oo ay  wehlinayay guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, Wasiirka Madaxtooyada Abdullahi Mohamed Addow, Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u dhiska, Jama Hashi wasiirka dekadaha Faarax Maxamed wasiirka ku xigeenka Beeraha iyo Waraabka Maxamed Bashiir Qaasim Daqare iyo mas’uuliyiin kale ayaa kormeeray xarunta logu talagalay latacaalida dadka uu so rito Covid-19.

Madaxweynaha ayaa ka xog wareystay Dhaqaatiirta iyo howlwadeenada caafimaadka xaruntaasi, isagoo ka dhageystay baahiyaha ay qabaan iyo qalabka ay u baahanyihiin waxaana madaxweynaha uu amray in saacadaha soo socda la dhameystiro qalabka ka dhiman xarunta.

Hirshabeelle ayaa ka mid ah meelaha haatan laga soo warinyao in dad qaba calaamadaha COVID-19 ay ugu geeriyoonayaan waxaana saraakiisha caafimaadka magaalada Baladweyne ay Goobjoog News u sheegeen in saacadihii la soo dhaafay ay in kabadan 10 ruux oo qaba caalamaha Corona ay cisbitaallada ku qaabileen.

Goobjoog News