U bood dhigaalka

Madaxweyne Waare oo Sheegay in Hal Milyan oo Dollar Ka Badan uu u Helay Gargaarka Fatahaadda

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare  oo ku sugan Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegay inay soo gaareen lacago ka kala yimid dowladaha Somaliya iyo Jabuuti.

Waare iyo wafdigiisa ayaa la sheegayaa iney kulamo la qaateen maamulka iyo waxgaradka Hiiraan si loo qiimeeyo xaaladda fatahaadda webiga Shabeelle gaar ahaan agagaarka Baladweyn.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa qoraal uu xalay soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxaa uu ku sheegay in lix boqol oo kun oo dollar ay ka soo gaartay Jamhuuriyadda Jabuuti.

Sidoo kale qoraalka ayuu ku sheegay in shan boqol oo kun oo dollar ay soo gaarsiisa Dowladda Federaalka Somaliya, halka laba iyo afartan kun oo dollar ay siiyeeyn guddiga gurmadka qaranka.

Goobjoog News