U bood dhigaalka

Madaxweyne Xaaf: Galmudug Dhulka Ayaan Ka Qaadayaa

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha cusub ee maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo hadal kooban jeediyey ayaa sheegay in isbedal badan uu la imaan doono.

Xaaf ayaa sheegay in ugu horreyn uu dhulka ka qaadi doono Galmudug, meel sarena gaarsiinayo, sidoo kalena wuxuu sheegay in dolwaddiisa cusub ay la imaan doonto isbedal.

Sidoo kale Xaaf ayaa balanqaaday in mar kale deegaannada Galmudug aanay ka dhici xabad, islamarkaana uu sameyn doono dib u heshiisiin.

“Waxaan u mahadcelinayaa xildhibaannada i doortay iyo kuwa aan i dooran, waxaan soo dhoweynayaa xilkaan la ii doortay, waxaan ku dadaalayaa inaan dhulka ka qaado Galmudug, ajendaheyga ugu weyn wuxuu noqonayaa inaan u qalab qaadanno inaan xabad dambe Galmudug ka dhici, nabadeyn, dib u heshiisiin, Galmudug iyo xuduudaheeda oo dhan, Ahlu-sunna waan soo dhoweyneynaa waana u baaqeynaa iney noo yimaadaan, nagula shiraakoobaan dowladdaan cusub ee aan dhisi doonno, dowladda Federaalka iyo beesha caalamka waxaan ka rejyenaa iney gacan nasiiyaan oo aanay gacmaha naga laaban sidii horey u dhici jirtay oo kale, waxaan leeyahay xubnaha nagala jooga dowladda noo godlada waan liidanaayee, ciidankana waxaan u sheegayaa in waqtigaan wixii ka dambeeya aaney mushaar beeli doonin, mushaar kale lama doon dooni doono”

Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa hoggaamin doona maamulka Galmudug Labada Sano ee soo socota, waxaana u yaalla shaqooyin badan.

Goobjoog News