U bood dhigaalka

Madaxweyne Xaaf: Waraaqda DF waa Sharci-darro, Galmudugna waa state xor ah, oo madaxbannaan

Sheeko:Baarlamaanka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Axmed Geelle Xaaf oo maanta dib ugu soo laabtay Dhuusamareeb ayaa shir jaraa’id uu ku wehliyey madaxa xukuumadda Sheekh Shaakir ku sheegay iney waxbo kama jiraan iyo sharci-darro tahay warqad ay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha dowladda federaalka ah oo la xiriirtay doorasho ka dhaceysa Galmudug.

Madaxweyne Xaaf oo arrimtaan ka hadlaya waxaa uu yiri “Galmudug waa state xor ah, oo madaxbannaan, mustacmarad ma aha, ma aha mid cusub oo hadda la dhisayo, aad iyo aad ayaan ugu xumahay in warqadda soo baxday u muuqatay in Galmudug tahay State cusub, State cusub ma aha Galmudug, shicib ayey leedahay, nidaam ayey leedahay, dastuur ayey leedahay, baarlamaanbey leedahay, madaxbey leedahay, caasimadeedibey joogtaa, in lagu xadgudbo, oo la yiraahdo hadda ayaa doorasho loo qabanayaa anugu meel ay ku taalo ma arag”.

Dhanka kale, waxaa uu madaxweynaha ugu baaqay bulshada Galmudug iney fiijignaadaan “waxaan u sheegeynaa umadda Soomaaliyeed iyo inta wax garaneysa, reer Galmudug khaasatan in arrintaas si qoto-dheer uga fiirsadaan, una ogaadaan iney tahay xadgudub sharci-darro ah, haddii madaxdii federaalka ee qaranka ay sharcigii ku tumanayaan, aad iyo aadbaan uga xumahay, in aan sharciga ilaalsanno ayaa nalakooka baanhayanyahay, haddii aan waxa yaga ilaashan weyno, waa nalaku tumanayaa”.

Arrintan xildhibaanka waxaa ay imaaneysaa kadib markii wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda Federaalka ay habeen hore saqdii dhexe soo saartay qoraal ku aadan doorasho ka dhaceysa Galmudug, iyada oo ku baaqday in la qabto xilligii loogu talo-galay.

Wasaaraddu waxaa ay sheegtay muddada xilheynta madaxda Galmudug ay ku egtahay 4-ta July ee sanadkan, isla markaana loo baahanyah in la qabto shirweyne arrimaha looga tashto.

Goobjoog News