U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan “Al-shabaab Malahan Awood Ay Meelo Nooga Qabsadaan”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa meesha ka saaray in bishaan gudaheeda ay Al-shabaab magaalooyin ka qabsadeen dowladda Soomaaliya, waxa uu sheegay in Al-shabab aysan lahayn awood ay meelo ku qabsadaan isaga oo tilmaamay in aysan jirin calaamad muujinaysa in dib ay usoo noolaadaan Al-shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wareysi siinayay Wakaaladda Wararka ee Reuters waxa uu sheegay in Amisom iyo ciidamada dowladda ay ka qabsadeen Al-shabaab magaalooyin waaweyn oo ay ku jiraan kuwo muhiim ah, madaxweynuhu wuxuu intaas ku daray in Al-shabaab ay sii aadayaan baadiyaha dalka islamarkaana ay qabsanayaan tuulooyin aan istaraatiiji ahayn.

Sioo kale Madaxweyne Xasan sheekh waxa uu sheegay in xarakada Al-shabaab ay mar gacanta ku hayeen meeli badan oo ka mid ah Soomaaliya laakiin wuxuu yiri “hadda Al-shabaab uma sahlana iney isticmaalaan badda iyadoo horay caalamku u sheegay in Al-shabaab ay u isticmaali jireen magaalooyinka xeebaha leh il dhaqaale oo ay xarakadu ka hesho waxaa sidoo kale jirta in sida caalamku sheegay ay Al-shabab meelahaas kala soo degi jirtay hubka ay u isticmaalaan dagaalada”|.

Al-shabaab ayaa maamusha magaalada dekeda leh ee Xarardheere ee bartamaha Soomaaliya, laakiin waxaa laga qabsaday magaalada kale ee dekeda leh ee Kismaayo sanadkii 2012kii.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu sheegay in Alshabab aysan soo xoogeysaneyn ayna lumiyeen wax kasta oo ay awoodoodu kusoo noqon kartay.

Diblomaasiyiin reergalbeed ah ayaa sheegay in Alshabaab si tartiibtartiib ah awoodoodii loo diciifiyey laakiin ay weli awoodaan iney qaadaan weeraro ay Qatar ku gelinayaan dib usoo kabashada Soomaaliya iyo hannaanka dib loogu dhisayo Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu sheegay in Soomaaliya ay qaaday dariiqa horumarka iyadoo la dhiirigelinayo in dalka maalgashi lagu sameeyo wuxuuna xusay iney jiraan dad badan oo ka yimid dalka dibadiisa doonayana iney maalgashi sameeyaan.

“Soomaaliya waxay soo jiidanaysaa dareenka caalamka si iyaguna ay maalgashi u sameeyaan mustaqbalka dhaw waxaan diyaarineynaa qaab dhismeed sharci ah oo suurtagelin kara in arrintaasi dhacdo” ayuu yiri madaxwene Xasan.

Xarakada Al-shabab  ayaa dooneysa iney afgambiso madaxweyne Xasan iyo dowladiisa taageerada ka haysata caalamka, waxaana dhawaan Al-shabaab ay la wareegtay magaalada Buqda iyo meelo kale oo badankood ku yaala koofurta Soomaaliya, waxayna weeraro ku qaadeen ciidamada nabad illaalinta ee Amisom.

Weerarada Al-shabaab ayaa waxaa iyana ka dambeeyey guluf dagaal oo ay ku qaadeen Al-shabab ciidamada Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Amisom iyagoo ka saaray Al-shabab magaalooyin badan, welina ku harsan meelo yaryar oo baadiyaha Soomaaliya ah sida uu sheegay madaxweyne Xasan Sheekh.

Goobjoog News