U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan: Dadka Reer Laascaanood Wax Aysan Raali Ka Ahayn Cidna Kuma Khasbi Karto”

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay kulan Dadweynaha ay su’aalo ku weydiinayeen, kuwaas oo ku aadan sanadka u buuxsamay  iyo waxqabadka dowaladda ayaa ka hadlay xiisadda ka taagay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool iyo go’aanka dowladda ee arrintaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sheegay in mudnaanta koowaad ay siinayaan in colaadda la joojiyo oo lagu bedelayo wadahadal, taas oo lagu joojinayo dhiiga dadanaya ee Soomaaliyeed: Waxaan mudnaanta koowaad siinaynaa in la joojiyo colaadda socota, la joojiyo dhiigga qulqulaya, kaddibna miis la wada fariisto” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa dhanka kale sheegay in ay tahay waxaan la aqbali karin in  muwaadin Soomaaliyeed lagu dhibaateeyo calanka Buluuga ah ee Jamhuuriyadda federalka, waxaana uu sheegay in mudnaanta koowaad ay siin doonaan canaka Buluuga ah iyo midnimada Jamhuuriyadda federalka ah, isaga oo garab istaagay reer Laascaano.

“Dadka Laascaanood waxaan u haynaa mudnaan gaar ah maadaama ay calankii buluugga ah ku adkeysanayaan, midnimadana u ololeynayaan. Wax aysan raali ka ahayn cidna kuma khasbi karto, waxaanse dooneynaa in rabitaankooda aysan dhiig badan u daadan.” ayuu yiri xilli uu ka jawaabayay su’aal laga weydiiyay Laascaanood.

Magaalada Laascaanood ayaa waxaa bishii sedexaad ka dhacay dagaal u dhaxeeya ciidanka Milatariga Somaliland iyo xoogagga deegaanka SSC, waxaana dagaalkaas lagu dilay boqolaal rayid ah sida Qaramada Midoobey laga soo xigtay, iyadoo ay guryahooda ka barakaceen iyo madaafiic kumannaan qoys oo ku dayacan dhulka Miyiga ah.

Goobjoog News