U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan “Dadka Somaliland Wey Ka Faa’ideysan Doonaan Mashaariicda Hiigsiga Cusub”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furay shirka hiigsiga 2016 ee magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arimo badan oo dowladda ku guuleystay iyo kuwa haatan lagu wajahan yahay.

Madaxwenaha ayaa mar uu ka hadlay qaabka looga faa’ideysanayo walibana shaqada hiigsiga 2016 loo wado ayuu sheegay in uu ka xun yahay meesha in aysan ka muuqan maamulka Somaliland, hase ahaatee waxa uu sheegay in shacabka ku dhaqan deegaanadaasi ay ka faa’ideysan doonaan mashaariicda hiigsiga 2016.

“Waan ka xumahay in aysan Somaliland nagala soo qeybgalin shirka, laakiin dowladda federaalka waxa ay hubanti ka dhigi doontaa in dadka goboladaasi ay ka faa’iideystaan mashaariicda hiigsiga cusub, sanaddii 2013-kii, baarlamaanka Soomaaliya, beesha caalamka iyo maamul goboleedyada, dhamaan waxa ay isla ansixiyeen nidaam iskaashi ah oo ku dhisan isfaham iyo waxqabad, iyada oo la hiigsanayo hal gool oo laga mideysanyahay, kaasi oo ah in la gaaro Soomaaliya oo nabad ah, barwaaqo ah” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in hogaaminta barnaamijka Hiigsiga cusub in ay udub dhexaad u yihiin Soomaalida.

“Waxaa udub dhexaad u ah barnaamijka Hiigsiga Cusub hoggaaminta Soomaalida iyo lahaanshiyaha qorshaha, iyada oo la raacayo muhiimadaha ay dowladda dajisey, kuna qotoma miisaaniyadda dalka, iyada oo waxa loo qabanayo si isku xir ku jirta si aysan u dhicin in Hal sheey dhawr jeer la qabto” ayuu hadalkiisa ku daray Madaxweyne Xasan Sheekh.

Maanta ayaa magaalada Muqdisho waxaa ka furmay shir looga hadlayo hiigsiga 2016, waxaana shirkaasi ka qeybgalaya xubno ka socda qaar ka mid ah wadama beesha caalamka iyo maamulada dalka ka jira.

Waxyaabaha Hiigsiga cusub ka qabsoomay waxaa ka mid ah Lix Mashruuc oo ay ku baxday 240 Milyan oo Doolar, sidoo kalena waxaa la sameeyay maamulada KMG ah, iyadoo uu dhiman yahay maamulka Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe oo kaliya, waxaana sidoo kale la sameeyay Guddiyada Dib u eegista Dastuurka, Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka iyo Guddiga Doorashooyinka.

Goobjoog News