U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan “Galmudug Waa Iney Bilowdaa Mashruuca Dalka Lagu Xoreynayo Si Loogu Daydo”

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda fedealka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay munaasabad lagu soo dhoweynayay oo ka dhacday magaalaada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug ayaa ka sheegay goobta waxyaabaha hortabinta u leh dowladdiisa ee daadajinta dowladnimada iyo dib-u heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale sheehay in shacabka Soomaaliyeed noloshooda ay dib u dhigtay amni darrida dalka ka jirta iyo xoogga Al-shaabaab ee ka soo horjeeda dowladda federalka iyo ciidamada nabad ilaalinta ,isagoo Xasan Shiikh soo  bandhigay sida shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooduba ay maanta ugu taagan yihiin in ay wadajir uga xoreeyaan dalka.

“Muwaadinka Soomaaliyeed caawa gurigiisa in uu nabad ku gam’o ayaan rabnaa, marka uu safrayo oo uu waddada marayo goormaa miino kula qarxeysaa in aanu is dhihin baan rabnaa, saaka hooyo waa baxdaye, nabad maku soo noqoneysaa carruurtu in aysan is dhihin baan rabnaa” ayuu yiri xilli uu ka hadlaayay goobta madaxweynaha Jamhuuriyadda  Xasan.

Madaxweynaha waxaa uu hoosta ka xarriiqay in dowladdu bilaabi doonto guluf ka dhan ah xoogga Al-Shabaab, isaga oo sheegay in laga xoreeynayo dalka Soomaaliyeed , sidaas daraaadeed, waxa uu dowlad goboleedka iyo bulshada Galmudug ugu baaqay in ay hormuud ka noqoto qorshahaas“Waxaan rabnaa Galmudug in ay bilowdo mashruuca nabadiidka la’isaga xorreynayo, kaddibna dadka kale ay ku daydaan.”ayuu yiri madaxweyne Xasan oo ka hadlaayay goobta munaasabadda.
Ugu dambeyn Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kula dardaarmay madaxda dowladda iyo dadka Galmudug in ay ka digtoonaadaan khilaafaadka, quluubtana isu furaan oo ay gacmaha is-qabsadaan si ay horumar buuxa uga hirgeliyaan deegaankooda, nolol wanaagsanna ugu abuuraan ubadkooda ku nool deegaannada kale duwan ee maamulka hoos taga.
“Walaalihii iyo saaxiibadii ay wax ku soo kala gaareen waddadii la soo maray, waxaan leeyahay cayaarta wey soo dhammaatay, caadi iska dhiga. Haddii ay dadku dhihi jireen, bus-ku waa buuxaa, meel laga fuulo ma leh, tareen aan dhammaaneyn baa taagan, aan tareenka wada raacno, nabadda iyo aayahana aan aadno.”ayuu yiri madaxweynaha.
Goobjoog News