Madaxweyne Xasan “Haweenka Waxay Door Weyn Ku Leeyihiin Dalka, Mana Jirto Cid Xaqiri Karta Xuquuqdooda”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo daah-furayey shir heer qaran ah oo haweenka Soomaaliyeed ay kaga arrinsanayaan hirgelinta qoondada boqolkiiba 30 ee haweenka ku leeyihiin goleyaasha qaranka doorashada dhowaan dhici doonta, ayaaa mar kale haweenka ku taageeray helista qoondada ay ku leeyihiin goleyaashaasi.

Khudbad uu munaasabaddaasi ka jeediyay Madaxweynaha ayaa waxaa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay dadaalka wadajirka ah ee haweenka ku doonayaan inay kaalin kaga cayaaraan siyaasadda, hoggaanka iyo dib u dhiska dalka.

“Haweenka waxay door weyn ku leeyihiin dalka, mana jirto cid xaqiri kara xuquuqdooda. Waxan idin kula talinayaa inaad xuquuqdiina ku raadsataan waddo nadiif ah oo wax dhisaysa, lagana fogaado qabiilka siyaasadeysan iyo in si khaldan bulshada loo kiciyo, waayo waxay tallaabooyinkaasi noo horseedi karaan colaad , burbur iyo dib u dhac’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale xusay inuu doonayo in doorashooyinka dalka ka dhici doona dhowaan ay noqdaan kuwo xor ah, caddaalad ku saleysan, isla markaana haysta kalsoonida shacabka.

Waxaa uu Madaxweynaha ugu dambeyntii xusay in wax badan la qabtey afartii sanno ee la soo dhaafay, balse uu qirayo in Soomaalida ay istaahilan, xaqna u leeyihiin inay helaan nolol iyo horumar ka ballaaran midka ay hadda haystaan.

—————————-DHAMMAAD———————-
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW