U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan iyo Aadan Madoobe Oo Kulan Yeeshay

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho ugu tagay guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka, kadib doorashadii xalay ka dhacday magaalada Muqdisho.

Xasan Sheekh iyo Aadan Madoobe ayaa kawada hadlay sidii loo dhameystiri lahaa hanaanka dowlad dhisidda dalka, kadib doorashadii xalay.

“Waxaan maanta kulan la qaatay guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur “ Madoobe”. Waxaan ka wada hadalnay dhameystirka dhismaha hay’adaha dowladda iyo dedejinta howlaha xilliga kala guurka,” ayuu yiri madaxweynaha dalka.
Mudane Xasan Sheekh oo codad aqlabiyad ah kaga guulaystay musharax Farmaajo oo ay wareegga saddexaad ee doorashada isugu soo hareen, ayaa loo doortay in uu noqdo madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda.