U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Iyo Dhiggiisa Kenya Oo Ka Wada Hadlay Arrimaha Dhadhaab

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya, Uhuru Muigai Kenyatta, ayaa maanta kulan saacado badan qaatey ku yeeshay Xarunta Madaxtooyada Kenya ee magaalada Nairobi.

Labada Madaxweyne ayaa isla gorfeeyay arrimaha qaxootiga Soomaalida ee ku dhaqan Kenya, arrimaha amniga, iskaashiga dhaqaalaha, isku socodka shacabka labada dal, arrimaha gobolka iyo caalamka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulankaasi ka sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay sidii loo adkeyn lahaa xiriirka labada dal, wax alaale wixii caqabado ah oo jirana ay si wadajir ah u xaliyaan.

“Soomaaliya iyo Kenya xulashada keliya ee ay haystaan waa inay ku noolaadaan derisnimo wanaag iyo wax wadaqabsi. Waxaan xaqiijinayaa in Soomaaliya ay daa’imi doono saaxiibtinimada iyo xiriirka walaaltinimo ee kala dhexeeya Kenya’’, ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Kenyatta, ayaa isna dhankiisa xusay in Soomaaliya iyo Kenya ay wax badan wadaagaan, islamarkaana hadafka uu yahay in lagu wada noolaado xasilooni, nabadgelyo, barwaaqo iyo iskaashi dhan kasta oo Labada shacab dan u ah.

“Waxaan rumeysanahay in Soomaaliya iyo Kenya ay isku yihiin dal qura oo gumeysiga uu kala qeybiyay, sida muuqata waxaan nahay dad isku mid ah oo wax walba wadaaga, waxaana dowladdeyda iyo shacabkaba ka go’an inay taageeraan Soomaaliya’’, ayuu yiri Madaxweyne Kenyatta.

Labada Madaxweyne ayaa mar kale dib isugu soo laaban doona beri, markaas oo la filayo in la soo gabagabeeyo wadahadalka labada dhinac, lagana soo saaro war murtiyeed.

Kulankaasi waxaa sidoo kale ka qeybgaley mas’uuliyiin ka socotey labada dowladood.

——————–DHAMMAAD–—————–
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Goobjoog News