U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Iyo Madaxa UNHCR Oo Ku Kulmay Muqdisho (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Xarunta Madaxtooyada kulan kula yeeshay Madaxa Laanta Qaramada Midoobay ee Qaxootiga (UNHCR), Mr Filippo Grandi.

Madaxweynaha iyo madaxa UNHCR ayaa ka wadahadley xaaladda qaxootiga Soomaalida ee ku nool Kenya iyo barnaamijka la xiriira dib u soo celintooda, qaxootiga Soomaalida ee ka soo laabanaya Yemen, qaxootiga reer Yemen ee Soomaaliya jooga , xaaladda barakaceyaasha iyo tahriibka.

Waxaa uu Madaxweynaha si gaar ah ugala hadley wafdiga UNHCR qaabka ugu habboon ee dib dalka loogu soo celinayo qaxootiga Soomaalida ee ku jira xeryaha Dhadhaab, iyo socdaalkii uu dhowaan ku tegay Kenya ee la xiriiray arrimaha qaxootiga Soomaalida.

“Waxaan u mahadcelinayaa Laanta Qaramada Midoobay ee Qaxootiga ee UNHCR shaqada wanaagsan ee dhinaca taakuleynta qaxootiga Soomaaliyeed. Waxaan UNHCR iyo beesha caalamka ka codsanayaa inay gacan weyn ka geystaan dib u soo celinta qaxootiga ku nool waddamada deriska, taakuleynta barakaceyaasha iyo qaxootiga Soomaalida ee ka soo laabanaya Yemen’’.

Mr Filippo Grandi ayaa sheegay in UNCHR ay ka go’an tahay inay kaalmo dheeri ah u fidiso qaxootiga ku sugan xeryaha iyo kuwa dalka ku soo laabanaya, iyo weliba in laga shaqeeyo diyaarinta adeegyada aasaasiga ah ee ay u baahan yihiin.

“Soomaaliya waxay ka mid tahay waddamada muhimadda koowaad u leh UNHCR. Xiriirka labada dhinac waa mid muddo dheer soo socday. 70-aadkii waxay Soomaaliya martigelisay kumanaan qaxooti ka yimid dalalka deriska ah. Barnaamijka dib u soo celinta qaxootiga Soomaalida ee Kenya ku dhaqan waa mid dan u ah labada dhinac, balse waxaa muhiim ah in qaxootiga loo sameeyo adeegyo ka wanaagsan kuwa ay ku haystaan xeryaha qaxootiga’’.

Kulankaasi waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda, Dr Cabdisalaam Hadliyeh Cumar, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen, Wasiirka Amniga Qaranka, Cabdirisaaq Cumar iyo mas’uuliyiin kale oo labada dhinac ka socotey.

u9 u8 u7 u6 u5 u4 u3 u2 u1

————————DHAMMAAD———————-—–
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada