U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan: Ma iman doonaan dalka Ciidamo cusub oo ka socda Siiraaliyoon

Sheeko:War

Xasan-Sheekh-300x200Madaxweynaha Dowladda federaalka Soomaaliyua Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dalka Siiraaliyoon ee ka mid ah wadamada ugu tabarucay Soomaaliya ciidamada nabad ilaalinta in aysan Ciidamo dheeraad ah keeni doonin Soomaaliya inta laga hir gelinayo Tallaabooyin dhanka Caafimaadka ah si loo hubiyo Caafimaadka Ciidamada Badalka ku imaanaya.

Arrintan ayaa imaaneysa xilli uu Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed uu sheegay in dib loo celiyo diyaarad dalka Siiraliyoon ka timid.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayay Magaalada Washinton ayaa sheegay in Dowladiisu ay qaadeyso Qorshooyin Cusub oo lagu horumarinayo dhalinyarada Soomaaliyeed.

Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galaya shir madaxeedka Afrika iyo Mareykanka ayaa sheegay in caqabadaha ugu waaweyn ee iminka heysata dhalinyarada soomaaliyeed ay ka mid yihiin waxbarasho la’aan iyo shaqo la’aan, kuwaasi oo fududeeyay buu yiri madaxweynuhu in dhalinyaradu ay ku biiraan xarakada Al-Shabaab.

Dalka Siiraaliyoon ayaa ka mid ah dalalka uu faraha ba’an ku hayo cudurka halista ah ee Ebola, kaasoo walwal weyn ku beeray qaarada AFrika iyo dunida inteeda kale.