U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan “Ma jirto Awood Sharciyadeed Ii Saamaxaysa Inaan Kala Diro Baarlamanka” (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta khudbad u jeediyay xubnaha Baarlamanka Federaalka, isagoo ka warbixiyey xaaladda dalka iyo waxqabadka dowladda.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn baarlamanka ugu hambalyeeyay munaasabadda 1-da Luulyo ee sannad guuradii 55-aad ee xornimada dalka, isagoo sheegay in Soomaaliya ay weli horyaalaan arrimo badan oo muhiim ah, oo u baahan in si wadajir ah loo wajaho.

“Waxaan ka soo gudubney marxalad adag, welina waxaan ku guda jirnaa inaan dhisno Soomaaliya cusub oo nabad lagu wada noolaado. Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay dhiirigelineysaa nabadeynta iyo dib u heshiisiinta. Dhanka kale waxaa meel fiican maraya isbeddeladii ay dowladda ballanqaaddey markii ay talada qabatey, sida amniga, adeegga garsoorka, qaabeynta maamulka maaliyadda iyo xoojintooda’’.

Madaxweynaha ayaa sheegay in hannaanka la socodka maaliyadda iyo xisaabaadka dowladda ay yihiin kuwo casri ah oo ay adag tahay in wax la is daba mariyo ama la musuqmaasuqo, sidaa darteedna dowladda iyo shacabku ay ku faani karaan in dalka uu ka jiro nidaam daah furnaan ah oo sal u noqon doona dhammaan adeegyada hay’adaha kala duwan ee dowladda, madaxda iyo mas’uuliyiinta dowladdana lala xisaabtami doono.

“Waxaa dhanka kale waddanka ka jira ciriiri dhaqaaale oo taabtey inta badan nolosha dadka. Sidaad la socotaan waxaa caqabado ay la soo gudboonaadeen xawaaladihii, waxaa dalka ku yar shilinka Soomaaliga, dalka oo aan helin kaalmo lagu kabayo miisaaniyadda iyo dhibaatooyin kale. Intaas oo is biirsadey ayaa keenay marxaladda xun ee dhaqaale ee maanta ina haysta, waxaana jira talaabooyin la doonayo in looga gudbo’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale ka hadley arrimaha amniga oo uu sheegay in ciidammada dowladda, kuwa AMISOM iyo shacabka Soomaaliyeed ay ay si wadajir ah kaalintooda uga soo dhalaaleen dagaalka ka dhanka ah koooxaha argagixisada, isagoo mar kale ku carabka ku adkeeyay in dowladda ay ka go’an tahay in waddanka la nabadeeyo, lagana sifeeyo kooxaha nabad diidka ah ee khatarta ku ah amniga dalka, kan gobolka iyo caalamka intaba.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xubnaha baarlamanka u sheegay inaaney waxba ka jirin warar beryahan la isla dhex marayey oo sheegaya in Madaxweynuhu doonayo inuu baarlamanka kala diro.

“Ma jirto awood sharciyadeed ii saamaxaysa inaan baarlamanka kala diro, sidaa darteed wararkaasi waa kuwo aan waxba ka jirin oo been ah. Baarlamanka hawl muhiim ah ayuu inoo hayaa, xeer walba oo waddankana lagu dhaqayana idinka ayaa la idin ka fadhiyaa inaad ansixisaan. Waxaa idin horyaalla hawlo badan sida ka doodista iyo ansixinta guddiyada madaxa banaan ee muhiimka u ah inaan horey u sii dhaqaaqno, siiba dhinacyada amniga siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada’’.

Waxaa kale oo uu Madaxweynaha sheegay in dowladda ay dhiirigelineyso xiriir wanaagsan iyo iskaashi ay la yeelato dalalka deriska, xiriirkaasina uu noqdo mid u daneynaya labada dhinac.

“Mar walba waxaan dhiirigelineynaa inaan nabad, xasilooni iyo saaxibtinimo kula noolaano dalalka aan deriska nahay. Way jiraan arrimo inagala dhexeeya deriska qaarkood, sida arrinta xudduudaha badda. Waxaan idin caddeynayaa in dowladdu ay difaaceyso go’aamadeeda ku aaddan ilaalinta xuquuqda dhuleed iyo qaranimo ee Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya’’.

Madaxweynaha waxaa kale oo uu sheegay in Soomaaliya iyo dalalka deriska ay iska kaashanayaan arrimaha amniga, isagoo dhanka kalena sheegay in la magacaabey guddi ka talo keena warar sheegaya in Kenya ay dooneyso inay derbi ku wareejiso xadka ay la leedahay Soomaaliya, tallaabadaas oo uu sheegay inaaney ahayn mid mira dhali karta.

Fadhiga maanta ee baarlamanka waxaa kale oo goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Cumar Cabdirashiid Sharma’arke.

-DHAMMAAD-
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: [email protected]

B10 B9 B6 B5 B4 B3 B2 B1